spot_imgspot_imgspot_img

Dowladda Soomaaliya oo hambalyo u dirtay Madaxweyna Saciid Cabdullaahi Deni

isniin jan-8 2024-{HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo u dirtay Madaxweynaha Dowlad

Goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo maanta mar kale loo doortey inuu

sii hayo talada.

Waxa ay Dowladda Soomaaliya u rajeyneysaa Madaxweynaha la doortey inuu Ilaahay u

fududeeyo gudashada waajibaadkiisa shaqo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ugu dambeyn ku bogaadineysaa shacabka ,

musharixiinta iyo baarlamanka Puntland sida hufan ee nabadda leh ee ay uga soo wada

shaqeeyeen qabsoomidda doorashadan muhiimka u ah horumarinta dowlad dhiska

Soomaaliya

WARARKA