Sunday, September 22, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Wasiirkii difaaca Somaliland oo isku casilay heshiiskii badda, shaaciyey sir culus {DAAWO MUQAALAK}

Axad jan-7 2024-{HMC} Wasiirkii Difaaca Soomaaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye, ayaa iska casilay xilka xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi ee wakhtigeedu dhamaady, sida uu goordhaw baahiyey Talefeshinka Horyaal ee fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa ee gobolka Waqooyi Galbeed Soomaaliya.

Mr Caateeye ayaa is casilaadiisa u sababeeyey in uu kasoo horjeedo heshiiska Soomaalidu ka carootay ee Muuse Biixi uu badda ku siiyey Itoobiya, kaas oo 1-dii bishaan magaalada Addis Ababa ku dhex maray Biixi iyo Abiy.

Wasiir Cabdiqani Caateeye ayaa ka soo jeeda beesha Ciise ee degta Saylac, wuxuuna sheegay in umadda Soomaaliyeed ee diiday damaca Muuse Biixi iyo Itoobiya uu ku qalbi yahay, isagoo wacad ku maray in marnaba aysan Xabashi iman doonin dhulka Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

 

WARARKA