spot_imgspot_imgspot_img

Muxuu yahay ujeedka Ciidanka Israaiil ay u faagayaan Maydadka Dadkii ay ku dileen Magaalada Gaza?

Axad jan-7 2024-{HMC}  Ciidamada Israaiil ayaa qabuuraha xabaal-wadareedka loogu sameeyay Dadka ay ku xasuuqeen Magaalada Gaza waxa ay ka billaabeen howlgallo ay dib ugu soo faagayaan Dadkaas si ay qaarkood u qaataan Dadkaas inkasta oo aan si rasmi ah loo ogaan ujeedka ay ka leeyihiin.

Xafiiska Warfaafinta Xukuumadda Gaza ayaa sheegay in Ciidanka Yuhuudda ay qodeen qaar kamid ah godadka lagu aasay Dadka ku dhintay duqaynta iyo rasaasta aan loo meel dayin ee ciidamadaas ku tuurayaan Magaaladaas.

Inta la xaqiijiyay 1,100 qabri oo ku yaalla Xabaallaha Tufaax ee Bariga Magaalada Gaza ayay dib usoo faageen dadkii lagu aasay halkaas iyaga oo qaatay qaarkood inkasta oo aan la garan halka ay la aadeen laakiin arrintaan ay caadaysteen maalmihii u dambeeyay.

“Ciidamada Israa’iil waxay dambigan soo celceliyeen marrar badan, waxana u dambeeyay maydadka 80 qof oo horey u shahiiday kuwaas oo ay ka xadeen gobolka Qasa, iyo woqooyiga Marinka, iyagoo markii dambe soo wareejiyay iyagoo lagu aasay Rafax, waxana ka muuqday jirkooda isbadal weyn, waxana si cad u muuqata in xubnaha qaarkood lagala baxay” ayaa lagu yiri qoraalka Xafiiska Warfaafinta Xukuumadda Gaza.

Ehelka Maydadka lasoo faagay ayaa walaac ka muujiyay tallaabadaan ay qaadeen ciidanka Yuhuudda waxaana ay durba dhaliyeen tuhun la xiriira in ay la baxeen xubno jirkooda kamid ah inkasta oo ilaa haatan aanay jirin faah-faahin ay bixiyeen dhinaca Israaiil.

WARARKA