spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweynaha falastiin oo ka degay Masar si uu ula kulmo dhiggiisa dalkaas

Axad jan-7 2024-{HMC} Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa maanta oo Axad ah gaaray dalka Masar, halkaasoo uu kula kulmi doono dhiggiisa Masar Abdel Fattah El-Sisi.

Wakaaladda wararka ee Falastiin ayaa ka soo xigatay safiirka Falastiin ee Masar, Diyaab Al-Lowx, in Cabbaas iyo Sisi ay ka wadahadli doonaan siyaabaha iskaashiga laba geesoodka ah ee loo joojinayo dagaalka Qasa si degdeg ah oo waarta, iyo dadaallada Carabta, gobolka iyo caalamiga ah ee wax looga qabanayo masiibada bini’aadantinimo ee ka dhacday Marinka.

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale ka wadahadli doona ka hortagga barakicinta Falastiiniyiinta iyo joojinta weerarada ka imaanaya Israa’iiliyiinta deggan Daanta Galbeed ee la haysto oo ay ku jirto Qudus, sida uu sheegay safiirka Falastiin ee Qaahira.

WARARKA