spot_imgspot_imgspot_img

FESOJ oo Cambaareysay xariga iyo jirdilka ciidanka Somaliland ay u geysteen Howlwadeenada MMTV

Axad jan-7 2024-{HMC} Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ waxa uu cambaaraynayaa xariga iyo jirdilka ciidanka Soomaaliland kula kaceen Guddoomiyaha MM Somali TV Maxamed Cabdi Ilig, Wariye Maxamed Andar iyo Ilyaas Cabdinaasir oo lagu xiray magaalada Hargeysa.

Xilliga Wariyayaasha dhibka loo geystay waxa ay toos ugu jireen dood ku saabsan heshiiskii badda ee uu Madaxweyne Biixi la saxiixday Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abey Axmed.

FESOJ waxa ay u aragtaa in falkaan looga gol leeyahay in lagu aamusiyo Saxaafadda iyo codadka muwaadiniinta sidaas daraadeed waxa aan ugu baaqeynaa maamulka Somaliland in ay dhawraan xorriyadda hadalka iyo xorriyadda Saxaafadda oo ay si degdeg ah u sii daayaan suxufiyiinta xiran.

WARARKA