spot_imgspot_imgspot_img

Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa oo runta u sheegay reer Somaliland, kadib heshiiskii Addis Ababa

Sabti jan-6 2024-{HMC} Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo kamid ah Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay heshiiskii badda ee Somaliland iyo Itoobiya, kaas oo dhaliyay xiisad u dhexeysa Muqdisho iyo Addis Ababa.

Xildhibaan Odowaa ayaa runta u sheegay reer Somaliland, wuxuuna sheegay in waligeed ay iyaga difaaci jireen baddaasii, maadaama ay iyaga ku nool yihiin dhulkaasi, haddana laga rabo inay ilaashadaan, haddii ay garab istaag u baahan yihiina la taageeri doono.

“Dadka deggan Somaliland dhulkaas iyaga waligood difaaci jiray annaga haddii aan nahay DFS ama dadka halkan deggan wax allaala waxa ay innooga baahan yihiin inaan la garab istaanaa la rabaa ma ogiye difaaca xuduudaha dhulkaas inta ay nolosha soo jirtay iyaga ayaa ku noolaa, difaacooda iyagaa lahaa” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa.

Sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday arrinta aqoonsiga ee badda looga beddashay Somaliland, taas oo uu tilmaamay in aysan ahayn arrin suuragl ah.

“Reer Somaliland dhulkooda iyagaa iska leh, haddii ay aqoonsi helaayaan haddii ay heleynina sideedaba kuma jiro wax la yiraahdo qayb kamid ah dhulka isii aan ku aqoonsadee” ayuu mar kale yiri xildhibaanka oo la hadlayay Wariyeyaasha Muqdisho.

Odawaa oo oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Arrintaas waxaan is leeyahay runtii Muuse wuu ku fududaaday, laakiin dadka reer Somaliland dad xigmad badan oo caqli badanaa ku ognahay deegaankaasna iyagaa uga dambeynaa oo aan rabnaa inaan ka dhageysano”

Waxaa kale uu hoosta ka xariiqay in damaca Itoobiya ee ku aadan dhulka Soomaaliya uu walgiisa soo jiray, balse loo baahan yahay in laga hortego.

Ugu dambeyn wuxuu Itoobiya xasuusiyay daris wanaagga iyo inay ilaaliso xeerarka caalamiga ah, gaar ahaan heshiiskii Midowga Afrika iyo kan Qaramada Midoobay.

“Waxaan ka war haynaa damacii Itoobiya ma dhamaanin boqolaal sano ayuu soo jiray, waxaan codsan lahayn dowladda Itoobiya heshiiskii African Union, Qm iyo adduunka la’iskula aqoonsaday iyo xuduudaha inay ixtiraamto” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

WARARKA