spot_imgspot_imgspot_img

Mid ka mid ah Maxaabiistii Israa’iil looga heystay Gaza oo geeriyooday

Sabti jan-6 2024-{HMC}  Mid kale oo ka mid ah israaiiliyiintii lagu haystay Magaalada Gaza ayaa dhintay sida uu sheegay ururka la haystayaasha iyo dadka la la’yahay ee Israel.

Kooxda ayaa ku dhawaaqday geerida Tamir Adar oo 38 jir ahaa, iyadoo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin hase ahaatee wararka qaar ayaa sheegaya inuu ku baxay duqeymaha Israel.

Adar waxa uu ahaa jiilka saddexaad ee ku noolaa degaanka kibbutz ee koonfurta Israa’iil oo ilaa 40 qof laga afduubay 7dii Oktoobar.

Waxaa lagu tilmaamay inuu ahaa ys aabbe leh laba caruur ah oo yaryar iyo Xaas.

Ayeeyadiis, Yafa, oo sidoo kale la afduubay 7-dii October, ayaa noqotay mid ka mid ah la-haystayaasha sida weyn loo aqoonsan karo, waa 85 jir ka mid ahayd kooxdii ugu horreysay ee la haystayaashii la sii daayay intii lagu jiray xabbad joojin muddo gaaban socotay oo dhex martay Israa’iil iyo Xamaas bishii November.

Ka hor inta aan la shaacin geerida wiilkeeda Tamir Jimcihii, dawladda Israa’iil waxay rumaysnayd in 132 la haystayaal laga soo bilaabo 7dii Oktoobar lagu haysto Gaza, kuwaasoo 108 ka mid ah loo maleynayo inay nool yihiin.

Tirada dadka la qafaashay 7-dii October oo Israa’iil ay aaminsan tahay in ay dhinteen oo weli lagu hayo Qaza ayaa ah 25 qof, sida uu xafiiska Ra’iisal Wasaare Benjamin Netanyahu sheegay.

WARARKA