spot_imgspot_imgspot_img

Maxkamadda Sare ee Maraykanka oo dhagaysanaysa Dacwadda Trump loogu diiday Doorashada 2024

Sabti jan-6 2024-{HMC}  Maxkamadda Sare Dalka Maraykanka ayaa sheegtay in ay dhagaysan doonto dacwadda loo haysto Madaxweynihii 45aad ee Dalkaas Donald Trump ee damacsan in uu ka qaybgalo Doorashada waddankaas ka dhacaysa sanadkaan 2024.

Trump oo wajahaya eedeymo culus oo kala duwan ayaa loo haystaa in uu ka gudbay xeendaabka sharciga, dacwad oogayaal kasoo jeeda gobollo kala duwan oo Maraykanka ah ayaa ka reebay in uu ka qaybgalo Doorashada dalkaas.

Colorado waa Gobolka keliya si gaar ah ugu dhegan Madaxweynihii 45aad ee Dalkaas ee Donald Trump maadaama kiisaska ugu badan uu ka gaystay gobolkaas waxaana la filayaa in uu racfaan ka qaato go’aankaas diidmada ah ee doorashada kahor istaagaya.

Kacdoonkii rabshadaha watay ee 3 sano kahor ka dhacay dhismaha Capital waxa uu barmadoow u yeellay wajiga siyaasadeed ee Donald Trump halka warqadihii sirta qaranka ah uu gurigiisa dhigtay ay ugu darsantay.

Bisha Febaraayo 2024 waxa uu Donald Trump heli doonnaa natiijada ugu dambaysa ee caddayneysa in uu qayb ka noqon karo Doorashada Dadkaas ka dhacaysa sanadkaan iyo in laga reebay sida ay sheegeen ilo kala duwan oo kiiskaan ku dhow.

WARARKA