spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA }Maxaa ka soo kordhay dagaalka milateriga Israa’iil iyo Xoogaga Xamaas?

Sabti jan-6 2024-{HMC} Weerar dhanka cirka ah oo ay Israa’iil qaaday ayaa lagu dilay ugu yaraan 18 qof oo Falastiiniyiin ah ka dib markii ay duqeyn la beegsatay guri ku yaal magaalada Khan Younis ee koonfurta Qaza

Saddex qof ayaa lagu dilay dhowr kalena waa lagu dhaawacay weerar kale ay Israa’iil ku qaadday guri ku yaalla magaalada Deir el-Balah ee Qaza bartamaha dhulka Falastiin

Iska horimaadyo ba’an ayaa laga soo sheegay magaalada Nablus ee daanta galbeed ee la heysto iyo xerada qaxootiga Shu’fat ee la heysto ee Bariga Quddus iyadoo ay socdaan duullaanno ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay duqaymo xagga cirka ah, taangiyada iyo madaafiicda ku garaaceen bartilmaameedyada Xisbullah ee koonfurta Lubnaan Jimcihii.
Ugu yaraan 22,600 oo qof ayaa lagu dilay 57,910 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii Oktoobar

Xerada qaxootiga ee Jabalia ee waqooyiga Gaza ayaa waxaa buux dhaafiyay daadad ka dib markii roobab mahiigaan ah ay ka da’een, sidoo kalena ay xiran yihiin adeegyadii dowladda hoose. Biyaha wasaqda ah ayaa ku qulqulaya xerada, oo hoy u ah kumannaan qof, taasoo keentay cabsi laga qabo cudurrada faafa

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Gaza ay noqotay mid aan la degi karin ka dib saddex bilood oo dagaal ah

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa ku sugan dalka Turkiga halkaasoo la filayo inuu madaxweyne Recep Tayyip Erdogan kala hadlo dagaalka Gaza. Blinken waxa kale oo uu booqan doonaa dhawr wadan oo kale oo Bariga Dhexe ka hor inta aanu aadin Israel iyo Daanta Galbeed ee la haysto toddobaadka soo socda

Qoysaska lix qof oo lagu qabtay weerarkii Xamaas ee 7-dii October ayaa gaaray dalka Qatar si ay ra’iisul wasaaraha dalkaas ugala hadlaan dadaallada lagu sii daayo maxaabiista harsan

Rwanda, Chad iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo {DRC} waxay si cad u beeniyeen inay wax wada xaajood ah la galeen Israa’iil oo ku saabsan barakicinta Falastiiniyiinta ee Gaza ee dalalkooda

 

WARARKA