spot_imgspot_imgspot_img

Gudoomiye Aadan Madoobe: 275 Xildhibaan in aan ka wayno 140 Xildhibaan waxa ay natusaysaa in aan shaqo u socon

Sabti jan-6 2024-{HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo maanta ka hadlay fadhiga Golahaas ayaa sheegay in lala xisaabtamayo Xildhibaannada maqan fasax la’aanta

 

Aadan Madoobe ayaa sheegay in si ay u gutaan shaqadooda loogana kaaftoomo kooram la’aanta la billaabayo dabagalka Xildhibaannada si caddaaladda ay ugu sinnaadaan Mudaneyaasha joogtada usoo xaadira iyo kuwa maqan

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Waxa uu amaanay Xildhibaanno uusan shaacin Magacyadooda balse maalin weliba fadhiga xaadira si ay u gutaan waajibaadka Qaran ee saaran

 

Tiro Xildhibaanno ah ayaa ka maqan fadhiyada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo guddoonkoodu sheegay in aanay jirin cudur-daar rasmi ah ay ku maqan yihiin.

WARARKA