spot_imgspot_imgspot_img

Faah -faahino Laga helayo Dagaal iyo duqeymo ka socda gobolka Mudug

Sabti jan-6 2024-{HMC}  Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta dagaal xoogan uu ka socdo koonfurta gobolkaasi, kadib markii ay weerar culus A,s ku qaadeen ciidamada dowladda, kuwa Galmudug iyo dadka deegaanka

 

Dagaalka ayaa xoogiisa waxa uu ka dhacay deegaanka Jeex-Jeexa oo hoostaga magaalada Caad ee koonfurta gobolkaasi, halkaas oo ay ku xoogan yihiin A,s

 

Weerarkan waxaa si wadajir ah u qaaday ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo Macawiisleyda ka howlgasha deegaanka

 

Sidoo kale waxaa dagaalka oo saaka hore ay qaadeen ciidamada huwanta, soona gaaray illaa duhurkii ayaa waxaa barbar socday duqeymo ay fulinayaan diyaarado dagaal

 

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, maadaama weli uu socda, isla markaana ay xaaladdu tahay mid aad u kacsan

 

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay cagta mariyeen difaacyadii A,s, uuna weli dagaalka ka socdo aagga deegaanka Jeex-Jeexa

 

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay A,s oo ku aadan weerarkaasi dhulka iyo cirka ee maanta lagu qaaday

 

Mudug ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka socday howlgallo ballaaran oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka, kuwa Galmudug iyo dadka deegaanka.

WARARKA