spot_imgspot_imgspot_img

Dowlada Turkiga oo saddex arrin u ballan qaaday Somaliya kadib xadgudubkii Itoobiya

Sabti jan-6 2024-{HMC} Maaxtooyada dalka Turkiga ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay wada-hadal khadka taleefanka ah oo ay Jimcihii yeesheen madaxweyne Rajab Dayib Ordogan iyo madaxweynaha dowlada Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud

 

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Turkiga ayaa waxaa lagu sheegay in Ordogan uu Xasan Sheekh u ballan qaaday inuu ku garab istaagayo dagaalka ay dowladdiisa kula jirto kooxda Al-Shabaab, ilaalinta madax bannaanida Soomaaliya iyo ka hortegga damaca Itoobiya

 

Sidoo kale Erdogan iyo Xasan Sheekh ayaa isku raacay inay xoojiyaan doorka walaalaha Turkigu ay ka qaadanayaan dib u dhiska iyo dowladnimada Soomaaliya

 

Labada Madaxweyne ayaa tilmaamay muhiimadda ay caalamka u leedahay xasilloonida iyo degenaanshaha Geeska Afrika

 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa haatan wada xiriiro caalami ah si uu taageero ugu helo khilaaf culus ee Soomaaliya kala dhaxeeya Itoobiya

 

Soomaaliya ayaa si weyn uga carootay heshiiskii xadgudubka ahaa ee madaxweynaha Somaliland uu la galay dowladda Itoobiya, waxaana socda dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo xasaasi ah

 

Madaxweynayaasha Masar, Turkiga, Qatar iyo madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub ayuu taleefoonka kula xiriiray madaxweyne Xasan Shekh saacadihii lasoo dhaafay, dhamaantood waxay Soomaaliya ku taageereen mowqifka adag oo ay ka istaagtay xadgudubka Itoobiya

 

Si kastaba, heshiiska magaalada Addis Ababa ku dhex-maray maamulka Somaliland iyo Itoobiya ayaa dhaliyay caro xoogan iyo cambaareyn caalami ah, maadaama uu xadgudub ku yahay qaranimada iyo madax bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

WARARKA