spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Shacabka Burco oo ka soo horjeestay heshiis beenaadkii Itoobiya iyo Soomaaliland

Sabti jan-6 2024-{HMC}  Kumannaan shacab ah oo ka careysan heshiis beenaadkii dowladda Itoobiya ay la saxiixatay maamulka Somaliland ayaa màanta isugu soo baxay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.

 

Shacabka Magaalada Burco ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada  kuwaas oo si weyn uga soo horjeystay damac gurracan ee Dowladda Itoobiya ku dooneeyso badda soomaaliya.

 

Dadkii ka qeyb galay banaanbaxa ayaa muujiyay dareenkooda ku aadan sida ay uga soo horjeedaan isku daygaasi, iyagoo sheegay in aysan aqbali doonin in taako ka mid ah dhulka iyo badda soomaaliya midnaba aan la siin karin.

 

Maalmihii la soo dhaafay waxaa ka dhacay guud ahaan dalka dibad baxyo waa-weyn oo looga soo horjeeda heshiis benaadka Dowladda Itoobiya ay la gashay Soomaaliland.

 

intabadan Shacabka Soomaaliyeed ayaa si isku mid ah u mujiyeen sida aan marnaba loo aqbali karin ku xadgudubka ay Dowladda Itoobiya ku sameeysay qarannimada ummadda Soomaaliyeed.

WARARKA