Jimco jan-5 2024-{HMC} Xiriirka Kubadda cagta Soomaaliyeed oo war qoraal ah ka soo saaray rabshadihii shalay ka dhacay Garoonka Stadium Muqdisho ayaa soo saaray Natiijo aysan ku farxin xulka iyo taageerayaasha gobolka Banaadir.
Xiriirka ayaa dhibcaha kulankii shalay siiyay xulka DG Hirshabeelle taas oo ganaax looga dhigay taageerayaasha gobolka Banaadir oo xiriirku caddeeyey in ciyaartu ka socon weysay dhankooda.
Waxaa shalay daqiiqaddii 70aad ee la hakiyay kulan u dhaxeeyay gobolka Banaadir iyo maamul goboleedka Hirshabelle ka dib markii taageerayaasha gobolka Banaadir oo sameeyey fowdo iyo rabshado laga wadi waayey ciyaarta.
Taageeerayaasha Banaadir ayaa ka carooday ciyaartoy ka tirsan kooxda oo laga saaray ciyaarta ka dib markii la siiyey calaamada casaanka ah.
Xiriirka Kubada cagta ayaa saddex gool iyo sadexdii dhibcood ee ciyaartaas siiyey xulka Hirshabelle, iyadoo Maanta cayaari doonaan K/Galbeed iyo Jubbaland..