spot_imgspot_imgspot_img

Markab xamuul ah iyo Shaqaalihii Saarnaa oo lagu afduubay Meel u dhow Soomaaliya

Jimco jan-5 2024-{HMC} Markabkan oo ah kuwa xamuulka qaada laguna magacaabo ‘MV LILA NORFOLK’ ayaa xalay xili dambe laga afduubtay meel u dhow xeebaha Soomaaliya.

 

Markab dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada badda Hindia, ayaa si aad ah isha ugu haya markabkan la afduubtay, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada bada Dalka Hindiya maanta oo jimco ah.

 

Markabka laga Afduubtay meel u dhaw xeebaha Dalka Soomaaliya ayaa waxaa saarnaa 15 ah kuwaas oo u dhashay Dalka Hindiya .

 

Xogta markabka lagu afduubtay meel u dhaw xeebaha Soomaaliya ayaa la helay fiidnimadii Khamiista Sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada bada Dalka Hindiya ,waxana ay intaas raaciyeen in diyaaradda ciidamada badda Hindiya ay ilaalinayaan markabka ama ay si dhaw ula socon doonaan Xaalkiisa .

 

“Ciidanka badda Hindiya waxaa ka go’an inay xaqiijiyaan badqabka maraakiibta ganacsiga ee gobolka oo ay weheliyaan la-hawlgalayaasha caalamiga ah iyo dalalka saaxiibka ah,” ayuu yiri afhayeen u hadlay ciidamada Hindia.

 

Falkan lagu afduubtay Markabkan ayaa kusoo beegmay, iyadoo horey kooxaha burcad badeedu ay u afduubteen Markab iyo dhowr doonyood oo kalluumaysi, kuwaas oo lagu haysto meelo katirsan biyaha Soomaaliya.

 

Kooxaha Burcad badeedda ah ayaa dalbaday malaayiin dollar oo madax furasho ah, iyadoo haatan lagusoo waramayo inuu wadahadal u socdo burcad badeeda iyo mulkilayaasha mid kamid ah maraakiibta lagu haysto xeebaha Soomaaliya.

WARARKA