spot_imgspot_imgspot_img

Qaraxyo ay ku dhinteen ku dhawaad ​​100 qof oo ka dhacay Iran

Khamiis jan-4 2024-{HMC} TEHRAN — Saraakiisha Iran ayaa sheegay in laba qarax ay ku dhinteen ku dhawaad 100 qof, ayna ku dhaawacmeen tobanaan kale xaflad ka dhacday Iran, Arbacadii, oo lagu xusayay taliyihii militariga ee Qassem Soleimani, oo ay dishay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka 2020.

Iran ayaa ku eedeysay weerarkan “argagixiso” aysan magacaabin.

Telefeshinka dowladda Iran ayaa sheegay in qaraxa koowaad uu dhacay ka dibna kan kale uu dhacay 20-daqiiqo ka dib markii ay socotay baroordiiqda sanadguuradii afaraad ee ka dhacday qabuuraha lagu aasay Suleymaani oo ku taal magaalada Kerman ee koonfur-bari ee dalkaas.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadaas.

Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Biden ayaa Washington ka sheegay in qaraxyadu ay u muuqdeen kuwo u taagan “Weerar Argagixiso” oo noociisa ay hore u fuliyeen Daacish.

Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi ayaa cambaareeyay weerarradan, kuna tilmaamay “dambiyo bini’aadantinimada ka baxsan”, waxaana hogaamiyaha ugu sarreeya Iran Ayatullah Khamenei uu wacad ku maray inay ka aargudan doonto ciddii ka dambeysay labadii qarax ee dhiiga badan ku daatay.

“Dambiilayaasha naxariista daran…waa inay ogaadaan in si adag loola tacaali doono hadda wixii ka dambeeya iyo…shaki la’aan waxaa jiri doona jawaab adag,” ayuu Khamenei ku yiri hadal uu soo saaray, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

WARARKA