spot_imgspot_imgspot_img

Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Maamulka Puntland oo la doortay

Khamiis jan-4 2024-{HMC} Xildhibaannada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta doortay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Maamulkaasi ee afarta sanno ee soo socota, kadib doorasho ka dhacday magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ayaa waxaa ku tartamay afar Musharax oo uu ku jiray Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maamulka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, waxaana doorashada galay oo kaliya hal wareeg.

Doorashada waxaa ku guuleestay Musharax Cabdirisaaq Axmed Siciid oo helay 37 cod, Cabdirashiid Yuusuf oo helay 8 Cod, halka Musharax Maxamed Faarax Maxamed Gabyow uu helay 10 Cod iyo Xildhibaan Mursal Maxamuud Cabdi oo isna helay 10 cod.

Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland Cabdirisaaq Axmed ayaa horey usoo noqday guddoomiyihii hore ee Guddigii KMG ahaa doorashooyinka Puntland {TPEC}, waxaana ninkan si weyn u taageerayay madaxweyne Deni oo qarash badan ku bixiyay..

Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal gaar ahaan Xarunta Baarlamaanka ayaa waxaa ka socota doorashada Guddoomiye ku-xigeenka koowaad oo ay ku tartamayaan Musharaxiin dhowr ah, halka doorashada Guddoomiye ku-xigeenka labaad aan weli loo gudbin.

WARARKA