spot_imgspot_imgspot_img

Dowladda Turkiga oo mowqif adag ka istaagay xad gudubka Itoobiya kula kacday Soomaaliya

Khamiis jan-4 2024-{HMC} Mr. Öncü Keçeli Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa war ka soo saaray heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay Itoobiya iyo Somaliland kala saxeexdeen January 1, 2024.

Heshiiskan ayaa dhigaya in Itoobiya ay Somaliland u aqoonsato dal ka madax banaan Somalia, taas bedelkeedna laga kireeyo dhuul badeedka Somaliland qeyb ka mid ah.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mr. Öncü Keçeli ayaa walaac ka muujiyey Heshiiskii Isfahamka ee ay Itoobiya iyo Somaliland ku kala saxiixdeen Addis Ababa iyadoo aaney ka warqabin oggolaanshana ka haysan Dawladda Soomaaliya.

“Waxaan mar kale xaqiijineynaa sida ay nooga go’an tahay midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada arrimaha dibeda ee Turkiga

“Waxaan u rajaynaynaa in khilaafka u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland lagu dhameeyo wada-xaajood toos ah oo dhexmara Soomaalida, waxaanan ku celinaynaa inaan taageerayno hindisayaasha wadahadalka labada dhinac” ayaa lagu yiri War saxaafadeed ka soo baxay Turkiga.

Dawladda Soomaaliya ayaa is-afgaradka ku tilmaantay mid xadgudub ku ah qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waxaana Soomaaliya ay u yeeratay safiirkeedii Itoobiya.

Horay waxaa uga hadlay Midowga Yurub, Mareykanka, Ururka Jaamacada Carabta iyo qaar ka mid ah dalalka caalamka ayaa ku baaqay in la ixtiraamo madax-banaaniada iyo midnimada Soomaaliya.

WARARKA