Khamiis jan-4 2024-{HMC} — Dowladda Itoobiya ayaa soo saartay qoraal faah-faahsan oo ay ku difaaceyso heshiiska is-afgarad ee ay la gaartay Somaliland, kaasi oo dowladda Federaalka Soomaaliya ay aad uga soo horjeesatay.
Qoraalka ayaa waxaa ugu muhiimsan in Itoobiya aysan ku qiran inay ogolaatay inay aqoonsato Somaliland, balse taas beddelkeed waxay xustay inay darsi doonto arrintaas.
Qodobka arrintaas ku saabsan ayaa u qoran sidan “Waxa kale oo ka mid ah heshiiska in dawladda Itoobiya xaq u leedahay in ay si qoto dheer u dariisto inay mawqif ka qaadato dedaalka Somaliland ugu jirto aqoonsiga.”
Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran
Heshiis is-afgarad oo dhammaystiran oo iskaashi iyo isgarab tagni ah oo ay wada saxeexdeen Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka ee Itoobiya iyo Somaliland
Heshiiska waxaa ku jira dhinacyo badan oo iskaashi oo dhanka bulshada, dhaqaalaha, siyaasadda iyo ciidamada ah. U xinjirta Afrika ka dib, Somaliland waxay ku sii jirtaa gumaystihii Ingiriiska, waxaanay xorriyadeeda qaadatay 26-kii June 1960-kii. Waxa kale oo la xusuustaa in dalal badan ay wakhtigaas aqoonsadeen.
Hase yeeshee, isla sannadkaas shan maalmood ka dib, waxay si iskeed ah ugu biirtay Muqdisho oo ka xorowday gumaysigii Talyaaniga. Waxay ku dhawaaqday madaxbannaanideeda 1991 waxayna ku dhaqmaysay dimuqraadiyad muddo 30 sano ah iyadoo qabatay doorashooyin isdaba joog ah oo nabad ah iyada oo fulinaysay isbedel dawladeed. Waddamo uu dalkeenu ka mid yahay ayaa xafiisyo qunsuliyadeed ka furta Hargeysa. Balse wali ma aysan helin aqoonsi buuxa. lyadoo ay taasi jirto ayaa waxa ay heshiisyo la gashay wadamada qaar oo ay ka mid yihiin adeegyada iyo horumarinta dekedaha.
Heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Dekedda Berbera oo locogladey Itoobiya in ay yeelato 19%, ee la saxeexay ayaa caddayn u ah xaqiiqadan. Waxa kale oo la og yahay in waddamo kale ay ku dhaqmaan habkaas oo kale. Markii tani dhacday, ma jirin wax gunuunac ah ama cabasho ah. Heshiiskii iyo habkii ay u saxeexday Itoobiya in ay kirada amaa bixi oo qaado ku hesho adeegga badda ee militariga iyo ganacsiga, asal ahaan waa isku mid.
Waxaa jiray heshiis wada shaqayneed oo soo daahay oo dhex maray dalkeena iyo Somaliland. Dukumeentiga iskaashiga iyo isgarab tagni ah ee hadda jira, kaas oo lagu helay dadaalka labada dhinac si loo sii xoojiyo saaxiibtinimadooda, ayaa ka jawaabaya su’aalaha taariikhiga ah ee labada dhinac, awoodna u leh in la dhiso iskaashi tafatiran, daahfuran oo istiraatiiji ah mustaqbalka fog.
Somaliland ahan, ma jiro waddan jawaab u raadiya su’aalahooda aan laga jawaabin, waxay siin doontaa kaalmo iyo iskaashi aanay ka heli karin waddan kale. Marka laga hadlayo danaha dalkeenna, waxaan siinaa mudnaanta koowaad ee dalalka deriska ah sida si cad loogu sheegay siyaasaddayada (policy) arrimaha dibadda. Sidan ayaan u wadaagnaa dhibaatooyinkooda oo aan ka wada shaqayno sidii aan u xallin lahayn. Inaga oo kobcinayna oo wadaagno kheyraadkeena, waxa ay awood inoo siinaysaa in aan ficil u turjuno aragtideena iyo xamaasaddeenna si aynu u wada korno. Waxa kale oo ay abuurtaa fursad aan si badbaado leh u ilaalin lahayn oo aan ku horumarinayno jiritaankeenna iyo danaha qaranka.
Dalkeenu, taariikhdiisa fog, dhexe iyo tan dhowba, marks lafiiriyo wuxuu ahaa mulkiilaha (albaabka) dekadaha badda. Mawjado kharribaad oo is daba joog ah oo meelo fog iyo dhaw ba ka soo riixay, ayay dekeddaheedii ku wayday. Markii dambe waxay noqotay milkiilaha albaabka (dekadah) badda mar kale. Ugu dambayntii waxa la galay dagaal sokeeye oo socday muddo sodon sannadood ah, laguna taageerayey qalalaase gudaha ah iyo shirqool shisheeye. Markii uu dhamaaday dagaalkii sokeeye, 30-kii sano ee la soo dhaafay waxay ahayd mid aan bad lahayn, taas oo ay ugu wacan tahay khalad laga galay sharciga iyo taariikhda.
Si loo saxo jabkan taariikhiga ah iyo niyad jabka faca, shantii sano ee u danbeysey, dawladdii isbedelku, dagaal kasakow. Mabda’a wax-siinta iyo wax-ka-soo-saarka, waxa uu ku tashanayey oo la talinayey, iskuna dayayey in la balaadhiyo fursadaha la isku halayn karo ee dekedda iyo badda, kuwaas oo ku habboon maqaamka iyo kobaca dalkeenna. Bilowgii sanadkan ayaa isla fikradaas oo ah mowqifka rasmiga ah ee dowladda lagu dhawaaqay in Itoobiyaan iyo beesha caalamka ay ogaadan. Isla mawqifka ay dawladdu ku dhawaaqday, waxa uu aaminsan yahay in aan waddanna dagaal la gelin, isla markaana ay jiraan waxyaabo kale oo dhinac walba ka faa’iidaya. Sidaa darteed, waxaan isku dayeynaa inaan u sharaxno mawqifkayaga dhammaan inta awooda oo diyaar u ah inay dhagaystaan.
Wada-tashi iyo wada-xaajood ayaa Itoobiya iyo Somaliland u socday muddo bilo ah. Heshiis is afgarad ayaa la saxiixay si ay uga faa’iideystaan labada dhinac. Dokumentigani waxa uu siinayaa Itoobiya fursad ay ku kiraysato saldhig badeed joogto ah oo la isku halayn karo iyo adeeg badeed ganacsi oo gacanka Cadmeed.
Sida ku cad mawqifka ay xukuumaddu hore u shaacisay, waxa Somaliland loo ogolaan doonaa inay saami weyn ku yeelato Ethiopian Airlines oo buuxinaayo heshiiska kirada. Waxa kale oo ka mid ah heshiiska in dawladda Itoobiya xaq u leedahay in ay si qoto dheer udariisto Ladonna mawqif ka qaadato dedaalka Somaliland ugu jirto aqoonsiga.
Nimcada gobolkeenu waa mid inagu filan dhamaanteen. Suurtagal maaha in la abuuro berri ka wanaagsan in la diido, balse darxumada dadka oo loo rogay guul darro. Heshiiska ay la gashay Somaliland waxa uu daliil u yahay sida ay dawladdu u aaminsan tahay in Itoobiya ay ku gaadho himilooyinkeeda iyada oo la kaashanaysa dalalka jaarka ah, wax-siinta iyo wax-ku-soo-saarka (give and take), iyo hab nabadeed. Fursadani way u furan tahay dhammaan wayna sii furnaan doontaa. Heshiisku wuxuu abuuray fursad lagu daweyn karo diiqada iyo welwelka da’da weyn ee Itoobiya. Haddaba, waa dhacdo taariikhi ah oo ka farxin doonta dhammaan shacabka Itoobiya. Dhammaan dadka Itoobiya iyo saaxiibada Itoobiya iyo weliba dhammaan xubnaha beesha caalamka ee daneeya nabadda gobolka waa inay ku farxaan.
Ma jiro xisbi ama waddan uu dhaawac ku saameynayo heshiiskan. Sharci jabay iyo iimaan jabay ma jiro. In kasta oo ay xaqiiqadu sidaas tahay, haddana lama odhan karo ma jiri doonto cid ka xumaata, ka naxaysa oo u dhaqaaqi doonta in ay xaaladda burburiso gunaanadkan togan. Haddaba, gaar ahaan Itoobiyaanku waa in ay rumaystaan in marka uu dalkeennu helo meeqaamka ku habboon ee uu ku leeyahay mandaqadda, qaarada iyo caalamkaba, marka uu doorkiisa wax-ku-oolka ah ka soo baxo, dantiisana uu ilaaliyo, in la ina ixtiraamo si wadajir ah. Sababtaas awgeed, dawladda Itoobiya waxay noogu baaqaysaa in aan fursaddan ka faa’iidaysano oo aan ka heshiinno khilaafkeenna in ka badan sidii hore.
Dhacdadani waa mid soo marta nolosha hal mar, ee aynu fursadan uga faa’iidaysano sidii aynu dalkeena u badbaadin lahayn. Aynu ka wada shaqayno sidii aynu Itoobiya dalkeennu u noqon lahayn astaan muujinaysa joogga dalkeenna, si aan taariikhda qarniyo ka dib naloogu eedayn!