spot_imgspot_imgspot_img

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Puntland oo Maanta ka socota Garoowe

Khamiis jan-4 2024-{HMC}  Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa Maanta oo khamiis ah ka socota Doorashada Guddoonka Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland, kadib markii xal laga gaaray khilaafkii ka taagnaa Doorashada ka dhaceysa maamulkaasi.

Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa ku tartamay afar Musharax oo kala ah xil. Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, xil. Maxamed Faarax Maxamed {Gabyow}, xil. Cabdirisaaq Axmed Saciid Faarax iyo xil. Mursal Maxamuud Cabdi Cali.

Sidoo kale xilalka Guddoomiye ku-xigeenada koowaad iyo labaad ee Baarlamaanka ayaa waxaa ku tartamaya dhowr Musharax, kuwaasi oo isku soo taagay xilka,

Khudbad jeedinta Musharaxiinta ayaa haatan si toos ah uga socota Xarunta Baarlamaanka Puntland, isla markaana waxaa ku sugan halkaasi dhammaan 66-da Xildhibaan cusub ee dhawaan la dhaariyay, sidoo kalena xubno ka socda Guddiga doorashada ayaa iyaguna goobjoog ah.

Amnmaanka magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa maanta aad loo adkeeyay, waxaana goor hore oo saaka ah la xiray qeybo kamid ah waddooyinka magaalada Garowe.

WARARKA