Khamiis jan-4 2024-{HMC} Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa la gaarsiiyay deeq xoolo ah oo loogu tala galay in ciidanka lagu taageero laguna dhiira-geliyo.
Xildhibaan Yaasin Farey oo katirsan xildhibaannada kasoo jeeda degmada Ceeldheer ayaana gaarsiiyay ciidamada huwanta ah deeq xoolo ah oo gaareysa 120-neef oo ari , kuwaa loo gowrici doono ciidanka qalabka sida.
Saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugnaa munaasabadda deeqda xoolaga lagu wareejinayay ayaa uga mahad-celiyay xildhibaanka deeqdan uu usoo gartay in uu ku taageero ciidanka dagaalka kula jira Al Shabaab.
Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa dhawwaan dib ula wareegay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo bilihii lasoo dhaafay ku sugnaayeen kooxda Al Shabaab.