spot_imgspot_imgspot_img

Urur Goboleedka IGAD oo War ka so Saaray Qilaafka Cusub ee Soomaaliya iyo Itoobiya

Arbaco jan-3 2024-{HMC} Xoghayaha fulinta ee urur goboleedka IGAD Dr. Workneh Gebeyehu ayaa walaac xoogan ka muujiyay isbedeladii ugu dambeeyay ee ku yimid xiriirka u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladda federaalka Itoobiya IGAD waxay si hagar la’aan ah ula socotaa xaaladda waxayna aqoonsan tahay saamaynta ka dhalan karta ee xasilloonida gobolka.

Marka la eego duruufaha jira, Xoghayaha Fulintu waxa uu u soo jeedinayaa madaxda IGAD in gacanta ka gaystaan xal u helida arrinta wuxuuna ka codsaday labada waddan ee walaalaha ah in ay iska kaashadaan sidii xaaladda nabad iyo isafgarad lagu xallin lahaa, iyadoo la ilaalinayo qiyamka la wadaago ee mideeya IGAD.

 

IGAD waxay weli ku adkaysanaysaa sida ay uga go’an tahay horumarinta nabadda, xasilloonida, iskaashiga, iyo is-dhexgalka gobolka.

WARARKA