spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Muuse Biixi oo So dhaweeyn Balaaran logu sameeyay Magaalada Jigjiga

Arbaco jan-3 2024-{HMC} Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maalmihii dambe ku sugnaa magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya, ayaa goordhoweyd gaaray magaalada Jigjiga.

Madaxweyne Muuse Biixi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaaladda Jigjiga ee dawlad deegaanka Soomaalida.

Waxaa madaarka diyaaradaha ee Garaad Wiilwaal ku soo dhaweeyey wafdiga Muuse Biixi, Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Cagjar oo ay wehlinayaan madaxweyne ku-xigeenkiisa iyo madaxda kala duwan ee dawlad deegaanka.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa lagu wadaa inuu safar dhinaca dhulka ah ku galo Hargeysa, halkaasi oo ay ka socoto qaban-qaabada soo dhoweyntiisa.

Biixi ayaa heshiis is-afgarad magaalada Addis Ababa kula soo saxeexday ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, kaasi oo uu Itoobiya ugu saxiixay dhul badeed dhan 20 KM, si ay saldhig uga dhigtaan Ciidanka Badda Itoobiya.

Heshiiskan ayaa si weyn looga soo horjeestay maadaama uu yahay mid masiiri ah, oo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, uuna yahay damac soo jireen ahaa oo Itoobiya waligeed ku taameysay inay hesho Bad.

WARARKA