spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Bannaan bax weyn oo maanta ka dhacay Muqdisho iyo madax ka qeyb gashay

Arbaco jan-3 2024-{HMC} Waxaa maanta garoonka kubadda Cagta Eng Yariisow ee magaalada Muqdisho ka dhacay bannaan bax balaaran oo looga soo horjeeday heshiiska magaalada Adis Ababa ku gaareen Madaxweynaha Somaliland iyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya.

Bannaan baxa waxaa ka qeyb galay wasiirro katirsan xukuumadda Soomaaliya, guddoomiyaha gobolka Banaadir, xubno katirsan kuxigeennadiisa, guddoomiyaal degmo, saraakiil iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Dadka kasoo qeyb galay bannaan baxa oo ka kala yimid magaalada Muqdisho iyo daafaheeda ayaa watay astaanta Calanka Soomaaliya iyo sidoo kale qoraalo iyo halku dhigyo ay ku diidan yihiin in Itoobiya qaadato qeyb kamid ah badda Soomaaliya.

Wasiirrada , guddoomiyaha gobolka iyo masuuliyiinta kale ee ka hadashay bannaan baxa ayaa sheegay in aysan marnaba aqbali doonin in badda Soomaaliya Itoobiya qaadato, waxa ayna xuseen in dalkooda ka difaacayaan cadaw kasta oo soo hujuuma.

Madaxda ayaa shacabka ugu mahadceliyay dareenka wadani-nimo iyo sida ay shucuurtooda u cabireen ,iyagoona sheegay in aan marnaba la aqbali karin xad-gudub lagu soo sameeyo dhulka Soomaaliya, isla markaana ugu baaqay Dowladda Ethiopia in ay ka fiirsato talaabooyinka qaldan oo ay qaadeyso.

WARARKA