spot_imgspot_imgspot_img

Guddiga Doorashada Golaha Wakiillada Puntland oo la Magacaabay.

Talaado jan-2-2024-{HMC}  Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Wakiilada cusub ee maamulka Puntland mudane Xasan Cabdalla Xasan ayaa Saakay magacaabay guddiga doorashada guddoomiyaha golaha Wakiillada Puntland iyo kuxigeennadiisa.

Qoraal uu goordhaw soo saaray guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamanka cusub ee Puntland ayuu ku magacaabay xubnaha guddiga doorashada guddoonka golaha Wakiilada oo ka kooban 7 xubnood.

Guddigan cusub ee qaban qaabinaya doorashada guddoonka golaha wakiillada Puntland ayaa guddoomiye looga dhigay Xildhibaan Cabdiweli Yuusuf Warsame, waxaana la filayaa in guddigan soo saaraan habraacyada doorashada guddoonka golaha Wakiillada Puntland.

WARARKA