Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

FAYSAL Cali Waraabe oo si adag ugu hadlay kulankii Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi

isniin jan-1-2024-{HMC}.Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa si adag uga hadlay kulankii madaxweyne Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi ee dalka Jabuuti.

Kulanka labada madaxweyne oo ahaa mid dib loogu bilaabayay wada-hadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, ayada oo Somaliland ay muujisay dabacsanaan aan hore u dhicin wada-hadalladii hore.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in socdaalka Muuse Biixi uu ku tegay Jabuuti iyo wada-hadallada uu dib u bilaabay uusan ka talo gelin siyaasiyiinta Somaliland iyo mucaaradkaba.

“Waxaa asbuucii dhoweyd bilowday arrin aanu fileyn, oo waxaa war ku helnay Muuse Biixi wuxuu tegay Jabuuti. Ma jirin wax dadka kala socodsiiyay oo anagana nala socodsiiyay aysan jirin,” ayuu yiri guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

“Waxay aheyd (Muuse Biixi) in doorashadii uu waqtigeeda qabto, xeerkii uu sii daayo. Waqti aan maanta Soomaaliya hadal la furno saacadeedii ma joogno.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in Muuse Biiix aan hadda laga sugeyn inuu wada-hadal la furo Soomaaliya, balse ay aheyd inuu qabto doorashada, sida uu hadalka u dhigay guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Ucid.

“Waxaa u aragnaa socdaalka uu Jabuuti ku tegay fallaari gil-gilasho kagama go’do,” ayuu yiri Eng. Faysal Cali Waraabe oo weyn ugu dhaliilay Muuse Biixi inuu wada-tashi la’aan ku tegay Jabuuti, uuna dib u furo wada-hadallada.

Waxa uu intaas kusii daray “Wixii dhacay ee ka dhacay Laascaanood, dambiyadii ka dhacay Goojacadde oo maanta ciidamadeenu joogaan Oog maanu fadh-fadhin, oo waxaa u fadh-fadhi weynay waxaa diidaynay dadkeena wax tafaraaruq galiya inta dalka difaaceyno, oo cadowga iska durkineyno oo doorashadeeda qabanayo.”

Si kastaba, in ay wada-hadallada ku bilowdeen heer sidaan u dabacsan oo ogolaansho badani ay ka muuqato ayaa loo tirinayaa inay horseed u tahay cadaadiska gudaha ka haysta Muuse Biixi, oo dhawaan lumiyay Sool, uuna buuq siyaasadeed xooggan ku furan yahay.

WARARKA