spot_imgspot_imgspot_img

Dagaalamayaal ka tirsan AS oo isku soo dhiibay Ciidanka Dowladda.

isniin jan-1-2024-{HMC}  Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa Deegaanka ayaa saakay gacanta ku dhigay 2-xubnood oo ka tirsan dagaalamaayasha AL-Shabaab.

Howgalka lagu soo qabtay labadaan nin ee katirsanaa Al-Shabaab ayaa ka dhacay aagga Deegaanka Gabdhaale oo Bari ka xiga Caad waxayna xiliga la qabanayay ay aasayeen miinooyin sida warbaahinta u sheegay Xoghayaha Maamulka Degmada Xarardheere Maslax Macalin Cilmi

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Degaanka ayaa howlgallo koonfurta gobolka Mudug kaga saaray Al-shabaab,iyadoo ay isa soo tarayaan dagaalamayaasha AL-Shabaab ee isku soo dhiibayo ciidanka xoogga Dalka.

WARARKA