spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Geelle oo la kulmay Jeneraalka hogaamiyaha Ciidanka Imaaraadka tababaray ee ka dagaalamaya Sudan

Axad Dec-31-2023-{HMC} Hogaamiyaha Jabhadda Rapid Support Forces (RSF) ee Sudan ayaa booqasho ku tagay dalka Jabuuti, taasoo hormuud ka ah dadaalada gobolka ee lagu doonayo in xabad joojin lagu sameeyo ka dib in ka badan sideed bilood oo dagaal ah.

Dalka Geeska Afrika ayaa ah safarkii ugu horreeyay ee uu Maxamed Xamdaan Dabaglo ku tago dalka dibaddiisa, tan iyo markii ay dagaalladu ka dhex qarxeen ciidamada RSF iyo kuwa Suudaan bartamihii bishii April.

Booqashadiisa gobolka — oo sidoo kale u qaaday Itoobiya iyo Uganda — ayaa ku soo beegmaysa iyadoo diblumaasiyiintu ay ku hawlan yihiin inay dhexdhexaadiyaan kulan dhexmara Daglo iyo ninka ay is hayaan, taliyaha ciidamada Sudan Abdel Fattah al-Burhan.

Jeneraallada dagaallamaya ayaan si fool-ka-fool ah u kulmin tan iyo markii uu qarxay iskahorimaadka oo ay ku dhinteen in ka badan 12,000 oo qof qiyaasaha qaar ee muxaafidka ah, oo ku qasbay malaayiin qof inay qaxaan.

Daglo waxa uu ku sheegay X oo hore u ahaan jiray Twitter-ka inuu Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle kala hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dagaalka.

“Waxaan qeexay sida ay nooga go’an tahay joojinta colaadda iyo in aan ka shaqayno sidii aan u heli lahayn xal wax ku “Waxaan carrabka ku adkeeyay inaan diyaar u nahay inaan ka qayb-galno wadahadallada lagu doonayo in lagu gaaronabad deg-deg ah, cadaalad ah, oo dhammaystiran oo ka dhacda Suudaan.”

Qoraal kale oo lagu daabacay X, Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in booqashadan ay qeyb ka tahay dadaallada dalkiisa, isaga oo ah madaxa urur goboleedka IGAD, si uu isugu dayo in xabbad joojin laga sameeyo Suudaan.

“Toddobaadka soo socda, iyada oo ah guddoomiyaha IGAD, Jabuuti waxay sidoo kale diyaarin doontaa gogol-xaarka wadahadalka Suudaan, waxayna martigelin doontaa kulan xasaasi ah,” Yuusuf ayaa sidaas ku yiri X Sabtidii, isagoo aan bixin faahfaahin dheeraad ah.

Daglo ayaa Khamiistii magaalada Addis Ababa kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, kadib markii uu maalin ka hor wada hadal la yeeshay Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni.

Urur goboleedka IGAD oo ka kooban 8 wadan oo ku yaala Bariga Afrika ayaa tan iyo markii uu dagaalku qarxo isku dayey in la isku keeno Burhaan iyo Daglo.

Arbacadii, wasaaradda arrimaha dibadda ee Djibouti ayaa sheegtay in kulan dhexmari lahaa kooxaha iska soo horjeeda oo qorshaysnaa 28-ka December “ dib loo dhigay horraanta bisha Janaayo sababo farsamo awgeed”.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa horaantii bishan ka dhawaajiyay inay ka walaacsan yihiin rabshadaha sii kordhaya ee ka socda dalka Sudan iyo ku sii fidaya dagaalada goobaha ay hore ugu tirinayeen inay gabaad u yihiin dadkii ku barakacay colaadaha.

Dhammaadkii Nofembar, ugu yaraan 12,190 qof ayaa la dilay, marka loo eego qiyaas muxaafid ah oo laga soo qaataygoobta isku dhacyada hubaysan iyo mashruuca xogta dhacdada.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in in ka badan toddobo milyan oo qof ay ku barakaceen dagaallada, halka 1.5milyan oo kalena ay u qaxeen dalalka deriska ah.

Labada dhinac ee ku dagaalamaayo Dalka suudaan ayaa lagu eedeeyay in ay galeen dambiyo dagaal.

WARARKA