Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo Gaaray Addis Ababa

Axad December-31-2023-{HMC} Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayay oo barqanimadii Maanta ka ambabaxay magaalada Hargeysa ayaa goor dhow gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Madaxweyne Muuse Biixi iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Addis Ababa kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka arrimaha Dibadda Itoobiya Demeke Mekonen iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxtooyada Somaliland oo ka hadashay socdaalka Muuse Biixi ayaa sheegtay in Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ay marti-qaad rasmi ah ka heleen Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya mudane Abiy Axmed Cali, safarkana uu qaadan doono maalmo kooban.

Muuse Biixi iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa kulan looga hadli doono arrimo dhowr ah ku yeelan doona magaalada Addis Ababa.

Madaxweynaha waxa safarka ku wehelinaya wasiirrada wasaaradaha Qorshaynta iyo Horunarinta , Axmed Maxamed Diiriye {Toorno}, horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, waxbarashada iyo sayniska Dr Axmed Aadan Buuxane, ku-xigeenka Ganacsiga iyo Dalxiiska, Muuse Ibraahim Selef, halka wasiirka arrimaha dibadda.

Safarka Madaxweynaha Somaliland ee Addis Ababa ayaa imaanaya xilli maalmo kahor heshiis kula soo galay dalka Jabuuti madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoona labada dhinac ku heshiiyeen in dib loo bilaabo wadahadaladii u dhaxeeyay.

WARARKA