Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Carruur badan oo Cudurka Shuban Biyoodka ugu Geeriyootay Magaalada Baladweyne

Axad December-31-2023-{HMC} Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka dilaacay cudurka Shuban Biyoodka ah oo ay saacadihii lasoo dhaafay magaaladaasi ugu geeriyoodeen caruur badan oo kamid ahaa dadka deegaanka, halka qaar kalena ay la ildaran yihiin.

Dhaqaatiirta Caafimaadka ee Baladweyne oo la hadlay Warbaahinta ayaa u sheegay in xaalada ka taagan magaalada ay tahay adag, isla markaana cudurka Shuban Biyoodka uu ku dhacayo carruurta, sidoo kalen halis ugu jiraan dadka waayeelka ah.

Ugu yaraan illaa 11 qof oo u badan carruur ayaa saacadihii lasoo dhaafay xanuunka ugu geeriyootay gudaha Baladweyne, waxaana xaalada ugu daran ay ka jirtaa xaafadaha Buundaweyn, Kooshin iyo Xaawo-taako.

Cudurka ayaa dilaacay kadib markii laga soo noqday fatahaadda ku dhufatay magaalada oo xaafadaha ku reebtay biyo wasaqeysan, waxaa kaloo ay Dhaqaatiirta Caafimaadka ay sheegeen inay Baladweyne ka jirto daawo yari qaar kamid ah isbitaallada halkaasi.

Reer Beledweyne ayaa sanadkan wajahaya xaalado adag, sida fatahaadda Elinino, qaraxyo ka dhacay magaalada oo dad badan ay ku dhinteen iyo Shuban Biyoodka hadda dilaacay

WARARKA