spot_imgspot_imgspot_img

Weriye ka mid noqday dadka maanta lagu laayay Gaza

Suxufiga warbaahinta Al-Quds Jabd Abu Hadros iyo lix ka mid ah xubnaha qoyskiisa ayaa lagu dilay duqeyn ay geysteen ciidamada Israel oo lagu beegsaday gurigiisa oo ku yaalla xerada Qaxootiga Nuntarat ee Gaza.

Duqeyntaas ayaa waxaa sidoo kale ku naf waayey dad kale oo fara badan

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Israel ay ku duqeeyeen xerada qaxootiga Jabalia ee waqooyiga Gaza.

Ciidamada Israel ayaa isku dayay inay la wareegaan Jabalia, laakiin waxay wajahayaan iska caabin adag oo kaga imaenysa dagaalyahanada Falastiin.

Weriye ka tirsan al Jazeera ayaa xaqiijiyay in ciidamada Israel ay rasaas culus ka ridayaan koonfurta Gaza.

Sida laga soo xigtay Xafiiska Warbaahinta Dowlada ee Gaza, wadarta 106 suxufi ayaa lagu dilay Gaza ilaa bilowgii dagaalka.

Sidoo kale illaa 100 qof ayaa la soo sheegaya iney ku dhinteen duqeyma Israel 24kii saac ee la soo dhaafay.

Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa sheegay in weerarada Israel ay dileen 21,672 Falastiin, halka 56,165 qof ay ku dhaawacmeen Gaza ilaa October 7.

Dhinaca kale, Wasaaradda arrimaha dibedda ee Falastiin ayaa soo dhaweysay kiiska dacwada ee Koonfur Afrika geysay maxkamada dembiyada dagaalka kaasoo ka dhan ah Israa’iil, kuna eedeynaya iney xasuuq ka wado Gaza.

WARARKA