spot_imgspot_imgspot_img

Rag loo heysto in ay basaas u ahaayeen Israa’iil oo xukun dal dalaad ah lagu fuliyay

Sabti Dec:-30-2023-{HMC}  Dowladda Iran ayaa xukun daldalaad ah ku fulisay afar nin oo lagu eedeeyay in ay ku howlanaayeen basaasida cadawga Israa’iil iyo falal kale oo lagu sheegay in ay ahaayeen qaran dumis

 

Xabsiga Urmia ee dalka Iran ayaa lagu daldalay afartan nin oo muddo ku xirnaa xabsi si gaar ah loo ilaaliyo, waxaana daldalaada lagu fuliyay raggan eedeysanayaasha ah warbaahinta u xaqiijiyay garsoorka Iran

 

Raggan la toogtay oo lagu kala magacaabo Wafa Hanareh, Aram Omri, Rahman Parhazou iyo Nasim Namazi ayaa xukunka dilka ah lagu xukumay sannad ka hor, waxa ayna qeyb ka ahaayeen dad kale oo isla kiiskan loo xukumay

 

Garsoorka Iran ayaa sidoo kale ku eedeeyay ragan in ay afduubteen dad una hanjabeen oo ay jirdileen, si ay si been abuur ah ugu sheegaan in ay yihiin ilaalada Iiraan kadibna ay been ku saabsaan hadafkooda mustaqbalka ka faafiyaan

 

Daldalaada raggan ayaa kusoo aadeysa maalin kaddib markii la aasay Razi Mousavi oo ahaa sargaal sare oo katirsanaa ilaalada Kacaanka Iran, kaa oo lagu dilay gudaha Syria, waxaana dilkiisa lagu eedeeyay in Israa’iil ka dambeesay.

WARARKA