spot_imgspot_imgspot_img

Nin Mareykan ah oo ku biiri rabay A,S oo la qabtay laguna celiyay dalkiisa

Sabti Dec:-30-2023-{HMC}  Nin u dhashay dalka Mareykanka oo doonayay in uu ku biiro kooxda A,S ayaa 14-kii bishan lagu qabtay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, waxaana ninkan lagu eedeeyay ku biirista koox argagaxiso ah

 

Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa sheegtay Karrem Nasr oo 23-sanno jir ah uu damacsanaa in uu kamid noqdo kooxda A,S, waxa ayna xustay in ninkan dhiiro-gelin ka helay weerarkii Xamaas ku qaaday Israa’iil 7-dii October

 

“Sida la sheegay, Karrem Nasr, wuxuu dhiirro-gelin ka helay weerarkii ba’naa ee ay Xamaas qaadeen 7-dii Oktoobar, isagoo ku talogalay inuu sameeyo jihaad ka dhan ah Ameerika iyo xulafadiisa,” ayuu yiri xeer-ilaaliyaha Mareykanka Damian Williams

 

Ninkan lagu eedeeyay in uu ku biiri rabay A,S ayaa kasoo tagay Mareykanka bishii July ee sannadkan, waxa uuna bilooyin ku sugnaa dalka Masar , kahor inta uusan kasoo degin magaalada Nairobi laguna xirin

 

Laamaha ammaanka dalka Kenya ayaana ninkan u gacan-geliyay sirdoonka Mareykanka, waxaana ninkan maalintii Khamiista aheyd dib loogu celiyay dalka Mareykanka, halkaas oo la filayo in lagu maxkamadeeyo.

WARARKA