spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo War kasoo saaray Bayaankii ay soo saareen Isimada maamulka Puntland

Sabti Dec:-30-2023-{HMC}  Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Ahmed E. Osman Karaash ayaa war goordhaw uu soo saaray kaga hadlay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee ka jira dowlad gobolreedka Puntland

 

Axmed Karaash ayaana qoraalka uu soo saaray kusoo dhaweeyay go’aankii xalay kasoo baxay isimada maamulka Puntland ee ahaa in golaha wakiillada Puntland laga reebo xildhibaannadii laga soo dooran jiray beesha Dhulbahante

 

Warka uu soo saaray Axmed Karaash ayaa u qornaa sida tan

 

“Markaan arkay xaaladda amni iyo tan siyaasadeed ee Puntland ku sugan tahay.
Markaan tixgaliyey go’aankii kasoo baxay golaha dhaqanka ee SSC-Khaatumo 23 December 2023, baaqii dallada musharixiinta 27 December 2023 iyo go’aamadii isimada Puntland 29 December

 

Waxaan si buuxda usoo dhaweynayaa in doorashadan lagu galo 49 iyadoo la xaq-dhawrayo go’aankii masiiriga ah ee bulshada deeganadaas

 

Marnaba ma aqbali doono 17 xubnood oo aan haysan matalaada bulshada deegaanadaas sifo kasta haku yimaadeen

 

Waxaan ka digayaa talaabo kasta oo keeni karta xasilooni daro siyaasadeed iyo mid amNI

WARARKA