spot_imgspot_imgspot_img

Isimmada Puntland oo sheegay in doorashada lagu galo 49 Xildhibaan

Sabti Dec:-30-2023-{HMC} 30 kamid ah Isimmada Puntland oo xalay Garowe ku shiray, ayaa soo saaray go’aan ku saabsan in la ixtiraamo go’aankii Isimmadda SSC- Khaatumo ay ku gaareen in aanay qeyb ka ahaan xulista xildhibaannada Puntland.

Isimmada oo uu shir guddoominayay boqor Burhaan Boqor Muuse, ayaa go’aamiyay in doorashada Puntland lagu 49 xildhibaan, doorashada kadibna laga tashado sidii loo buuxin lahaa kuraasta ay banneeyeen SSC- Khaatumo.

Isimmada waxay kaloo sheegeen in xubnaha kasoo jeeda SSC- Khaatumo ee ku jira guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta xubnaha baarlamaanka ay iscasilaan, maaddaama ay SSC- Khaatumo qeyb ka ahayn doorashada.

Go’aanka Isimmada ayaa kusoo beegmay, ka dib markii madaxweyne Deni uu sheegay in doorashada lagu galayo 66-dii xildhibaan, xilli ay musharraxiinta mucaaradku ku eedeynayaan in madaxweynuhu gacantiisa ka xulanayo 17-ka xildibaaan ee kasoo jeeda SSC- Khaatumo.

WARARKA