spot_imgspot_imgspot_img

FAAH-FAAHIN: Dil iyo dhaawac ka dhacay madaalada muqdisho.

Waxaa galabta degmada Dayniile, gaar ahaan halka loo yaqaan Masaajidka Xaawo Ganey ka dhacay dil iyo dhaawac ay isku geesteen labo nin oo dhallinyaro ah.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in labada nin isla dhaceyn toorey, waxaana la sheegay in raggan oo saaxiibo ahaa uu soo kala dhax galay khilaaf sababay in ay istooreeyaan.

Labada nin ayaa la soo sheegayaa inuu midkood geeriyooday, kan kalena dhaawacmay.

Ninka geeriyooday ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Cabdi, halka kan dhaawaca ah oo goobta ka baxsaday magaciisa lagu sheegay Shiine Abow, booliiska ayaana baadi-goob ugu jira gacanku dhiiglaha..

Laamaha amniga degaanka ayaan weli ka hadlin dhacdadan oo illaa caawa si weyn looga hadal hayo magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada dayniile.

WARARKA