spot_imgspot_imgspot_img

Ciyaar Fiinal aheed oo xalay ka dhici laheyd dalka Sacuudiga oo Sabab yaab leh loo baajiyey

Sabti Dec:-30-2023-{HMC}  Waxaa xalay lagu waday in garoonka kubadda cagta ee Riyaad ee Al-Awwal ee Boqortooyada Sacuudiga ka dhacdo ciyaar fiinaal ah oo u dhaxeysay kooxaha kubadda cagta ee Galatasaray iyo Fenerbahce ee ka dhisan dalka Turkiga

 

Ciyaarta finalka ee Super Cup-ka Turkiga ayaa si lama filaan ah u baaqatay , xilli taageerayaasha tikitka ciyaarta jartay ay soo xaadireen garoonka , lana filayay in ciyaarta oo aheyd mid lawada sugayay bilaabato

 

Khilaaf soo kala dhax galay masuuliyiinta labada kooxood ee ka dhisan dalka Turkiga iyo marti-galiyaasha ciyaarta ee Sacuudiga ayaa sabab u noqotay in ciyaartan dib loo dhigo, kaddib markii boorar ay wateen labada koox loo diiday in ay garoonka la galaan

 

Sacuudiga ayaa diiday in garoonka ciyaarta ka dhaceysay ciyaartoyda labada koox ee Galasataray iyo Fenetbache la galaan boorar ay ku qoran yihiin aabbaha “sharafta leh ee Turkiga casriga ah” Mustafa Kemal Ataturk

 

Ciyaartoyda labada kooxood ayaa sidoo kale loo diiday in gudaha garoonka la galaan funaanado uu ku sawiran yahay Ataturk oo ahaa hoggaamiyha aas aasaha Turkiga, sidoo kale soo noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee Turkiga sannadkii 1923-dii.

WARARKA