spot_imgspot_imgspot_img

War-murtiyeed laga soo saaray Wadahadaladii Soomaaliya iyo Somaliland ku dhax maray Jabuuti

Jimco Dec:-29-2023-{HMC} War-murtiyeed ayaa caawa laga soo saaray Wadahadalladii shalay iyo maanta dalka Jabuuti uga socday madaxweynaha dowladad Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Qodobada lasoo saaray ee isku fahmeen madaxweyne Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi ayaa waxaa kamid ah in dib loo bilaabo wadahadaldii labada dhinac u socday iyo in 30-maalin gudahood labada dhinac isla meel dhigaan geedi-socodka wadahadalada.

Waxaa sidoo kale lagu heshiiyay in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ay fuliyaan heshiisyadii ay labada dhinac horey ugu gaareen Dalalka Turkiga, Ingiriiska iyo Jabuuti.

War-murtiyeedka ayaa sidoo kale lagu cadeeyay in labada dhinac ku heshiyeen in iskaashi buuxa ka yeeshaan dhinacyada amniga ,ladagaalanka fal-dambiyeedyada abaabulan iyo in laga shaqeeyo gobolada ay colaaduhu ka jiraan in nabad laga hirgaliyo.

WARARKA