spot_imgspot_imgspot_img

Ukraine oo lagu weeraray 158 gantaal iyo diyaarado dagaal

Jimco Dec:-29-2023-{HMC}  Milatariga Ukraine ayaa sheegay, in Ruushka uu Ukraine ku soo qaaday weerar dhanka cirka ah isagoo adeegsanaya 158 qaabood oo kala duwan oo ah weerarro dhanka hawada ah.

Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Ukraine, Valerii Zaluzhnyi, ayaa sheegay in Ruushka uu markii hore adeegsaday qaab ‘caadi ah’ oo uu soo daabulay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Shaheed oo lagu farsameeyo gudaha dalka Iran.

Waxaa intaas daba socday adeegsiga ugu yaraan 55 gantaal oo nooca Cruise-ka ah, shan gantaal oo kuwa hawada sare loo diro ah iyo noocyo kale oo gantaallo ah.

Zaluzhnyi waxaa uu sheegay in Ukraine ay soo riday 27 kamid ah 36 diyaarado oo ah nooca aan duuliyaha lahayn oo laga leeyahay dalka Ruushka iyo sidoo kale 87 gantaal.

WARARKA