spot_imgspot_imgspot_img

Kooxo hubaysan oo Muqdisho ku dilay xildhibaan hore.

Jimco Dec:-29-2023-{HMC} Allaha unaxariistee waxaa galabta degmada Wadajir ee Gobolka banaadir lagu dilay Ibraahim Saalax Deyfullaah oo ahaa Xildhibaan hore waxaana uu ka mid ahaa Baarlamaankii 9-aad ee Soomaaliya.

Koox hubeysan ayaa toogteen Marxuumka xili uu ka so baxaayay masaajid ku yaala dagmada uu ka dhacay dilkiisa sida ay warbaahinta u sheegeen dad goobjoogayaal.

Maamulka degmada wadajir iyo laamaha amnigu Soomaaliya wali kama hadlin dilka Allaha unaxariistee Xildhibaan hore Ibraahim Deyfullaah.

 

WARARKA