spot_imgspot_imgspot_img

Israel-Xamaas: Xog cusub oo laga helay qorshaha Masar ay ku xalineyso xiisadda dagaal ee Qasa

Jimco -Dec:-29-2023-{HMC}  Wargayso iyo xarumo warbaahineed oo badan ayaa maalmahan iftiiminaya firkado qaar loo tiirinayo in Masar ay doonayso hinde lagu soo afjari karo dagaalka Qasa ka socda bilaha.

Ilo masuuliyiin Masaari ah ayaa u sheegay kanaalka rasmiga ah ee Qaahira News Channel in Dowlada Masar doonayso xabad joojinta Qasa laga dhigo mid ku dhamaata in colaado istaagto.

Hindisaha Masar oo wax ka badan hal mar wax laga beddelay ayaa salka ku haya soo jeedinta dhaqangelinta xabbad joojin bini’aadantinimo oo ku meel gaadh ah muddo kooban oo ay jiri doonto xabbad-joojin iyo hirgelinta gargaar degdeg ah, iyo sidoo kale hirgelinta heshiisyada is-dhaafsiga la haystayaasha.

Sida ku cad aragtidan, inta lagu jiro wejiga koowaad, waxaa lagu dhawaaqi doonaa xabbad joojin bini’aadannimo muddo 10 maalmood a.

Muddadaas Xamaas ayaa sii deyn doonto dhammaan la haystayaasha ay haysato, oo ay ku jiraan haweenka, carruurta, iyo bukaannada, beddelkeedana Israa’iil l ay sii deynaysa tirada lagu heshiiyey ee maxaabiisteeda Falastiin.

Inta qorshan lagu jiro waxaa la joojinayaa dhamaan dagaalka labada dhinacba, waxaana ciidamada Israa’iil la geyn doonaa meel ka fog agagaarka bulshooyinka la deggan yihiin.

Sidoo kale waxaa la ogolaan doonaa xorriyadda dhaqdhaqaaqa muwaadiniinta ee koonfurta iyo waqooyiga, sida dhaqdhaqaaqa baabuurta iyo kuwa xamuulka, xilli dhaqdhaqaaqa Xamaas ay ka go’an tahay inay joojiyaan dhammaan noocyada howlgallada ka dhanka ah Israa’iil.

Si loo xaqiijiyo hirgelinta aragtidan, Israa’iil waa inay joojisaa dhammaan noocyada dhaqdhaqaaqa hawada Israa’iil oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo diyaaradaha sahaminta, iyadoo la xoojinayo hirgelinta gargaarka bani’aadamnimada oo ay ku jiraan daawooyinka, sahayda caafimaadka, shidaalka, iyo cuntada ee marinka Qasa.

Dadka la socda colaada Qasa ayaa sheegay in wajiga labaad ee aragtidan ay socon doonto muddo toddobaad ku dhow, waxaana ka mid ah in la sii daayo dhammaan haweenka Israa’iiliyiinta ah ee ka tirsan ciidammada Israa’iil ee u xiran dhaqdhaqaaqa Xamaas, si loogu beddelo tiro ay ku heshiiyeen labada dhinac ee maxaabiista Falastiiniyiinta ah ee ku jira xabsiyada Israa’iil.

Maxay tahay sababta dowlada Falastiin u rabin qorshahan?

Maamulka Falastiin ee fadhigiisu yahay Ramalah ayaa rabin qorshahan iyada oo doonaysa inay maamusho marxaladaha ku meel gaarka inta lagu guda jiro doorashada madaxweynaha iyo barlamaanka ee la filayo inay ka qabsoonto dhulka Falastin oo ay ku jirto Marinka Qasa.

Sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen Guddiga Fulinta ee Ururka Xoraynta Falastiin kaas oo ay daabacday Wakaaladda Wararka Falastiin “Wafa” ayaa lagu sheegay inay diidan yihiin dowlada maamusha daanta galbeed qorshe aysan qayb ka ahayn maadama ay yihiin wakiilka kaliya ee sharciga ah ee Falastiiniyiinta.

Guddiga fulinta ee PLO ayaa xaqiijiyay in ay go’aansadeen in la sameeyo guddi ka kooban xubno iyagaa si ay daba gal ugu sameeyaan khataraha ka dhalan kara ee saameeya danaha dadka reer Falastiin iyo xuquuqdooda qaran ee aan la leexsan karin.

Sida ilo xog ogaala oo ah dhinacyda Falastiin iyo Masaaridu ay sheegeen, wafdi ay ka mid yihiin wakiillo ka kala socda dhinacyo badan oo falastiiniyiin ah oo uu hoggaaminayo Xuseen Al-Sheekh oo ah xoghayaha guddiga fulinta ee ururka PLO ayaa lagu wadaa in ay soo gaaraan magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Qorshaha ayaa ah in la sameeyo aragti guud oo Falastiniyiint ah oo ay ku jiraan samaynta dowlad midnimo qaran oo ay ku biirayso Xamaas oo maamusha marinka Qasa.

Labo wafdi oo ka kala socday Xamaas iyo Islamic Jihad ayaa si gooni gooni ah ula kulmay madaxda Masar bishii December.

Xamaas waxa ay sheegtay in ay raadinayso xabbad joojin dheer, ee aanay raadinayn xabbad joojin ku meel gaadh ah ama mid gaaban.

Madaxa Waaxda Carabta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dhaqdhaqaaqa Jihaadka ee Lubnaan, Ihsan Ataya, ayaa mar sii horreysay sheegay in warqadda Masar ay soo bandhigtay ay tahay fikrado guud oo laga doodi doono, mowqifka mideysan ee Falastiiniyiintana la soo saari doono maalmo gudahood

Maxay tahay sababta Israa’iil loo haysto?

Sida ay muujiyeen xog uu daabacay wargayska Wall Street Journal, Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa in la soo afjaro dagaalka Qasa ku xiray saddex shuruudood oo ay ka mid yihiin burburinta Xamas,hub ka dhigis lagu sameeyo kooxaha Falastiiniyiinta ee marinka Qasa iyo ciribtirka waxa uu ku tilmaamay in ay asal u yihiin xagjirnimada bulshada Falastiin

Fursadaha Falastiiniyiinta iyo Dawlad midnimo qaran

Tamara Xaddad oo falanqeeya arrimaha siyaasadda Falastiin ayaa sheegtay in Masaarida ay soo bandhigtay aragti ay ku tilmaantay mid u wanaagsan xallinta xiisadda, isla markaana ay ku dhisan tahay marxalado kala duwan oo mid waliba kan kale si tartiib tartiib ah ugu wareejinayo, waxayna ka dhigan tahay tijaabo lagu ogaanayo heerka ay gaarsiisan tahay ballan-qaadkii Israa’iil.

“Caqabada kaliya ee hortaagan hirgelinta hindisahan ay tahay is-afgaradka Falastiin si ay u doortaan dowlad midnimo qaran ee soo socota kaas oo danaynaysa dadaallada dib-u-dhiska, qabashada doorashooyinka, iyo helitaanka gargaarka iyo gargaarka caalamiga ah,” ayey tiri Xaddad.

Qayb ka mida sirta shuruudaha hindaha Masar ayey heshay warbaahinta qaar ka hor inta aan la dhamaystirin taas oo horseeday diidmada maamulka Falastiin laakiin sida laga soo xigtay ilo ka tirsan Masaarida hindisahan ayaa lagu dhawaaqi doonaa ka dib dhamaystirka wada xaajoodyada dhamaan dhinacyada oo ku jirto Israa’iil.

Yagleelida dowlada midnimo qaran oo ka dhaxaysa Falastiniyiinta ayey qabtaa Tamara inay tahay wax u baahan wada xaajoodyo gun dheer oo muddo qata si dhinacyada loogu kala qanciyo aragti mid ah.

WARARKA