Jimco Dec:-29-2023-{HMC} Waxaa goordhaw soo idlaaday kulankii ugu horeeyay ee ka tirsan tartanka Kubadda Cagta dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir oo galabta dhexnaray xulalka Galmudug iyo Hirshabeelle oo ciyaartooda kusoo dhamaaday barbaro gool iyo gool ah.
Raysal Wasaare Xamse ayaa ugu horeyn ku bogaadiyey bahda ciyaaraha Soomaaliyeed sida ay ugu mideysan yihiin xoojinta is dhexgalka, nabadda iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii Ciyaarta galabta dhexmartay xulalka Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa aheyd mid ka mid ah kulamada ugu xiisaha badnaa ee isha lagu haayay waxaana u daawasho tagay boqolaal dadweyne ah oo u badnaa taageerayaasha labada kooxood ee Galmudug iyo Hirshabeelle.
Maalinta berito ah haduu Alle idmo waxaa la ciyaari doona kulanka labaad ee tartankaan waxaana wada Ciyaari doona xulalka Banaadir iyo koonfur Galbeed.