Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Shirka Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Danbiyada Kufsiga iyo anshax-xumada

Khamiis December-28-2023-{HMC} Shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiirrada uu shirguddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta lagu ansxiyey hindise sharciyeedyo ay soo diyaariyeen qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Xafiiska Wasiirka koowaad ee Xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda ayaa lagu yiri, “Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Danbiyada Kufsiga iyo anshax-xumada oo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale qoraalka ka soo baxay kulanka ayaa lagu sii yiri, Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu ansixiyey heshiiska caalamiga ah ee da’da ugu yar ee shaqada iyo heshiis is-afgarad ee u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Ciraaq.

Hindise sharciyeedyadaan maanta ay meelmariyeen Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa maalmaha soo socda in la horgeeyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya si ay u meelmariyaan.

WARARKA