spot_imgspot_imgspot_img

Soomaaligii magaaladiisa u diiday Trump oo ka mid noqday liiska Afrikaanka ugu saameynta badan

Arbaco December-27-2023-{HMC} Magid Magid waa Maayarkii hore ee magaalada Sheffield ee UK, iyo xubin hore oo baarlamaanka Yurub ah (MEP) ee Yorkshire iyo Humber.

Magid Magid waxa uu ku dhashay magaalada Burco. Ka hor inta aysan qoyskiisa UK imaanin, waxay muddo lix bilood ah ku jireen xero qaxooti ah oo ku taalla dalka Itoobiya. Sannadkii 1994-kii ayay qoyskiisa oo ka koobnaa Lix caruur ah iyo hooyadii u suurogashay in ay UK ka helaan dib u dejin, gaar ahaan magaalada Sheffield.

Waxa uu ku koray Sheffield, oo uu kaga baxay Iskuulka Fir Vale ee isla Sheffield, ka hor inta uusan Jaamacadda Hull ka bararnin cilmiga noolaha biyaha ku jira, ka dibna waxa uu shahaadada labaad ee Masterka ee hoggaaminta horumarka waara ka qaatay Jaamacadda Queen’s, Belfast, sida uu  sheegay

Magid wuxuu markii ugu horreysay soo shaac baxay ka dib markii uu noqday ninkii ugu da’da yaraa ee maayir ka noqda magaalada Sheffield, qaab hoggaamintiisa gaarka ah ayaa durbadiiba qabsatay cinwaanada warbaahinta iyo baraha kala duwan ee bulshada.

Waxa uu ahaa nin u ololeeya qaxootiga, deegaanka iyo cadaalada bulshada.

Magid ayaa sheegay in uusan wax badan ka xusuusan carruurnimadiisi isla markaana uusan dib ugu laaban dalkii uu ku dhashay.

“Waxaan xusuustaa in aan faraxsanaa oo aan iska ciyaari jiray si la mid ah carruurta kale,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in noloshu ay adkayd markii isaga iyo qoyskiisa ay yimaadeen UK, gaar ahaanna barashada luuqadda Ingiriiska iyo in ay nolosha cusub la qabsadaan.

Wixii dhexmaray Magid Magid iyo Trump

Magid Magid ayaa waxaa la yaabay dad badan ka dib markii uu magaaladii uu maayarka ka ahaa ee Sheffield “ka mamnucay” madaxwaynihii Mareykanka Donald Trump oo xilligaasi booqasho ku joogay Britain.

Magid ayaa ku dhawaaqay go’aankan mar uu shir guddoominayay golaha deegaanka Sheffield “arrintaasi oo garab istaag loogu muujinayay dadka reer Mexico”, sida uu sheegay.

Waxa uu markaas Donald Trump ku tilmaamay “Nin nacas ah” ayadoo laga mamnuucay magaalada” qiimaha badan” ee Sheffield.

Balse waxaa go’aankaasi ka so horjeestay qaar ka mid ah golaha deegaanka magaalada Sheffield, kuwaas oo sheegey in Maayarka uusan lahayn awood sharci oo uu Trump kaga mamnuuci karo booqashada magaaladaasi.

Ka dib Magid ayaa markaas bartiisa twitter-ka ku soo qoray: “Aniga oo ah Magid Magid, Maayarka iyo muwaadinka ugu horreeya ee magaaladan waxaan halkan ku caddaynayaa in aanu Donald J Trump kaliya ahayn NACAS, balse sidoo kale hadda ka dib laga mamnuucay magaalada weyn ee Sheffield!.

Sida uu indhaha caalamka u soo jiitay

Dhanka kale waxaa dunida caan ka noqday sheekooyinkiisa oo xitaa uu ka mid yahay Iskuulka Crocker Farm Elementary ee Amherst, oo ay dhigtaan ardey ka soo jeedda qaaradda Afrika.

Jean Fay oo macallimad ka ah Iskuulkaasi ayaa sheegtay in laba arday oo ka soo kala jeeda dalalka Sri Lanka iyo Cape Verde ay aad u soo jiidatay heerka uu gaaray Magid oo iyaga la mid ahaa markii uu dalka imanayay.

labadan ardey ayaa mar kasta akhriya taariikhda ninkan indhaha caalamka soo jiitay ee markii uu dalkan imanayay ku hadlayay luuqad ka duwan tan dalka looga hadlo, sida iyaga oo kale.

Sidee loo soo xushaa xubnaha liiska ku qoran

Africa Report waxay sheeegeen in laba qaab ay u xushaan dadka ay liiskan ku soo daraan.

Tan hore ayaa ah inay egaan dadka aan aadka loo aqoon ee aan aadka uga soo muuqan warbaahinta. Waxay kaloo sheegeen in liiska lagu soo darao dadka magaca leh, dadka wanaagsan, dadka xun iyo kuwa leh saamaynta aan fiicnayn uuna baaritaan ku socdo ama dacwado loo haysto.

Tan labaad ayaa waxay tahay inay soo bandhigaan dadka tusaale u noqon kara wax dhaafsiisan shaqsiyadooda. Bil matal, dadka diin ahaan saamaynta leh sida iimaamayada iyo baadariyada saamaynta leh. Waxaa kalo iyagana ku jira hay’adaha haga ra’yul caamka, iyo kuwa ka shaqeeya in isbeddel lagu sameeyo nolosha dadka.

Tirada dadka iyo hay’adaha la isku keeno oo boqolaal gaaraya ayaa laga xushaa 50 sida lagu qoray barta majalladan

WARARKA