Thursday, September 19, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Maxay kawada hadleen G/ SODMA & Xildhibaan Hodan Xasan oo katirsan Aqalka Wakiillada Gobolka Minnesota

Arbaco December-27-2023-{HMC} Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka SODMA Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta xarunta Dhexe ee Hay’addaas ku qaabilay Xildhibaan Hodan Xasan oo katirsan Aqalka Wakiillada Gobolka Minnesota ee Dalka Maraykanka.

Maxamuud Macallin ayaa Xildhibaan Xasan waxa uu u faah-faahiyay howlaha shaqo ee Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka SODMA ee ka falcelinta daadadka roobka, Fatahaadda Webiyada & ka digista khataraha.

Xildhibaan Hodan ayaa markii ay dhagaysatay warbixinta Guddoomiyaha Hay’adda SODMA waxaana ay ballanqaaday in ay samayn doonto olole dhinaca qurba-joogta ah si loo helo kaalmo Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka ay gaarsiiso dadka garabka u baahan.

Guddoomiye Maxamuud Maxamed Cabdulle ayaa dhankiisa soo dhoweeyay go’aanka Xildhibaan Hodan Xasan waxaana uu ku tilmaamay tallaab muhiim ah oo sare u qaadi karta howlaha shaqo ee Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka SODMA ay bulshadu u hayso.

Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Dr Axmed Cabdi Aadan, Agaasimaha xarunta howlgallada gurmadka degdega ah & Mas’uuliyiin kale oo katirsan SODMA ayaa kulankaan goobjoog ka ahaa.

SODMA waa Hay’adda Dowladda Federaalka sida gaarka ah ugu qaabilsan ka jawaabista xaaladaha bani aadamnimo ee Soomaaliya, ka digista halista ama khataraha lasii saadaalinayo & in ay kaalmooyinka kala wareegto Dowladaha iyo Hay’adaha kala duwan.

WARARKA