spot_imgspot_imgspot_img

Maxaa ka so Baxay Kulankii dhaxmaray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka?

Talaado December-26-2023-{HMC} Kulankan oo saacaddo badan qaatay oo shalay galinkii dambe Muqdisho ku dhexmaray Madaxweynaha Dawladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Siyaasiyiin horey xilal sare uga soo qabtay Dawladda ayaan wali is faham buuxa laga gaarin qodobada ugu muhiimsan ee wax ka badalka dastuurka.

 

Xubnaha mucaaradka ee kulanka ka qayb galay ayaa kala ahaa Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, Raisul Wasaare hore Xasan Cali Khayre, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble.

 

Illo ku dhow dhow shirka ayaa Hiiraanweyn u sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ogolaaday in la sugo Puntland doorashadeeda, si ay qayb uga noqoto kulamada Golaha Wadatashiga Qaranka si heshiis wadar ogol ah looga gaaro go’aannada masiiriga ah ee wax ka badalka dastuurka.

 

Labada dhinac ayaa sidoo kale isku raacay in wax ka badalka dastuurka loo maro hannaanka uu qorayo cutudbka 15-aad ee dastuurka KMG ah.

 

Madaxweyne Xasan ayaa ku adkeystay aragtidiisa iyo tan madaxda kale ee Golaha Wadatashiga Qaranka ee ah in dalku yeesho nidaam madaxtooyo (Madaxweyne iyo Madaxweyne Kuxigeen) iyo in la xisbi lagu soo koobo xisbiyada siyaasadda ee wadanka ka sameysmaya, taas oo hoggaamiyayaasha mucaaradka ee ay mar jaalka ahaayeen ay ku diideen, keentayna in waqtiga shirku dheeraado.

 

Gabagabadii labada dhinac ayaa isku af gartay in la magacaabo 10 Xildhibaan oo shan ay ka imaanayaan dhinaca Madaxweynaha, dhinca mucaaradkana ay ka imaanayso shan kale si ay doodo dheeraada uga yeeshaan arintan.

WARARKA