Friday, October 18, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Guddoomiyaha Sodma oo Muqdisho ka daah-furay Shirka Banbaxa.

Talaado-December-26-2023-{HMC} Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Md. Maxamuud Macallim ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka daah-furay shirka Banbaxa iyo Dib u eegista Howlaha SoDMA kaas oo socon doono muddo Saddex cisho ah.

U jeedka banbaxa ayaa ah gorfeynta howlihii SoDMA u qabsoomay sanadkaan sii dhammanaya ee 2023, in la helo qorsho siyaasadeed oo shaqada hay’adda lagu dardargalinayo, daadajinta shaqada hay’adda, waxaana goob joog ka ahaa shirkaan Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maareynta Dr Axmed Cabdi Aadan, Lataliyayaasha Hay’adda, agaasimayaasha waaxyaha kala duwan iyo qaar ka mid ah howlwadeennada hay’adda.

Maalinta 1-aad ee banbaxa ayaa la soo bandhigay doodo looga hadlayey sida ugu wanaagsan ee shaqada hay’adda loo dardargalin karo loogana hagaajin karo howlaha sanadka cusub hay’adda u yaal .

 

WARARKA