Thursday, September 19, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} G/ Aadan Madoobe oo Muqdisho ku qaabilay Xildhibaan Hodan oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Minnesota

Talaado-December-26-2023-{HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur {Madoobe} ayaa xafiiskiisa Villa Hargeysa ku qaabilay Xildhibaan Hodan Xasan oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Xildhibaan Hodan Xasan ayaa ugu horeyn soo dhawaynta wanaagsan ee loo sameeyay uga mahadcelisay madaxdii iyo Xildhibaannadii kala duwaneyd ee dalkeeda ku soo dhoweysay.

Waxay Guddoomiyaha la wadaagtay kaalinta firfircoon ee qurbojoogta Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka ay ku talaabsanayaan guulo badan oo dalkeena qiimo u leh.

Guddoomiye Sheekh Aadan oo uga mahadceliyay xildhibaanada booqashada ay ku timid dalka ayaa kula dardaarmay in ay laba jibaaraan kaalinta muhiimka ah ay ku leeyiin qurba-joogta Soomaaliyeed dalalka ay ku noolyihiin.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa sidoo kale xafiiskiisa ku qaabilay Xildhibaan Hodan Xasan oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Guddoomiyaha iyo Hodon oo iska xogwaraystay xaaladda guud ee dalka, ayaa ku bogaadiyay doorka firfircoonida iyo dad la dhaqanka leh ee ay ku tilmaaman yihiin Haweenka Soomaaliyeed, oo kaalin muuqata oo mudnaan leh ka qaata dalalka horumaray oo ay ku nool yihiin.

Kulanka waxaa kale oo Goobjoog ahaa Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde, Sanatarro, Xildhibaanno, xoghayaha Aqalka Sare iyo xubno kale oo la socday Xildhibaan Hodan.

WARARKA