Friday, October 18, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

FAAH FAAHIN Dagaal Sababay Dhimasho iyo dhawac oo Maanta ka dhacay Magaalada Laascaanood

isniin-December-25-2023-{HMC} Hal qof ayaa ku dhintay, saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen iska hor-imaad saaka ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, sida ay ilo-wareedyo u xaqiijiyeen Warbaahinta.

Iska hor-imaadka dhexmaray labada Ciidan ayaa ka dhashay markii ay isku qabsaday gaari Cabdi Bile ah oo hore looga qabsaday ciidamada Soomaaliland.

Labada maleeshiyo ayaa waxaa markii dambe kala dhex-galay ciidamada booliska ee maamulka SSC-Khaatumo.

Xaaladda guud ee magaalada Laascaanood ayaa deganeyd tan iyo markii uu saake ka dhacay dagaal kooban oo sababay dhimasho iyo dhawac.

ilaa hada wax war ah kama so bixin Maamulka Magaalada Laascaanood oo ku aaday Dagaalkii saaka ka dhacay Magaaladaas.

WARARKA