Saturday, September 21, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Booliska Dowlad Deegaanka Soomaalida oo qabtay dhalinyaro la tahriibinayay iyo Magafihii waday

isniin-December-25-2023-{HMC} Ciidamada Booliska Dowladda Deegaanka Soomaalida ayaa 4 dhalinyaro ah oo la tahriibiyay iyo magafihii wadayba ka soo qabtay magaalada Gonder ee ismaamulka deegaanka amxaarada.

 

Dhalinyaradan oo ay kooxaha magafayaashu rabeen in ay wadanka uga saaraan dhanka wadanka suudaan si ay u sii geliyaan geediga halista badan ee tahriibka, ayay booliska deegaanka waaxda baadhista oo heshay xogta dhalinyaradan waxay sameeyeen dadaalo badan oo baadhis iyo dabagal ah, iyaga oo kaashanaya booliska deegaanka Amhara.

 

Waxayna magaalada Gondar ku qabteen 4-tii dhalinyarada ahayd iyo ninkii waday ee tahriibinayay, Sida uu sheegay G/le dhexe Cabdiraxmaan Xasan Mulaax oo ka mida saraiisha booliska waaxda baadhista.

 

Dhalinyaradan laga soo badbaadiyay halista tahriibka ayuu maanta madaxa baadhista komishinka DDS G/le sare Taani Sheekh Cali ku wareejiyey walidintood, Wuxuuna bulshada deegaanka gaar ahaana dhalinyarada kula dardaarmay, “In Wadajir loola dagaalamo halista tahriibka ee lagu marin habaabiyo dhalinyarada”.

WARARKA